Kareena Kapoor was once put in a position where she had to do something she had never dared to do before because Aamir Khan requested it for a role. This made her feel really bad…

Aamir Khan oo Kareena Kapoor ku khasbay arrin aysan waligeed samayn

Kareena Kapoor iyo Aamir Khan

Xiddigta caanka ah ee filimada Bollywood-ka, Kareena Kapoor Khan, oo xirfaddeeda jilitaanka billowday sanadkii 2000 ayaa u dabaaldagaysa 22 guuradii kasoo wareegtay markii ugu horraysay ee shaashadaha laga arko.


Filimkeedii ugu horreeyay ee ay taageerayaasha shaleemooyinka ku arkeen waxa uu ahaa Filimka ‘Refugee’ oo uu agaasimay JP Dutta.

Muddadaas labaatanka sano ka badan Kareena waxa ay ku naalloonaysay guulo aad u waaweyn oo ay ka soo hoyinaysay filimba filinka ku xiga, waxayna ku biirtay liiska atariishooyinka loogu jecel yahay Hindiya iyo dunida inteeda kale.

Waraysi ay BBC-da la yeelatay ayay Kareena ku sheegtay in hadda uu isbaddal wayn ku yimid qaabka jilitaanka filimada, maadaama qalab casri ah la helay, shaqadana ay fududaatay.


Hase yeeshee wali waxa ay aaminsan tahay in atooreyaasha iyo atariishooyinka ay xasuus waarta uga hari karto oo keliya filimada la jecelaado ee aan marna duugoobin.

Kareena Kapoor Khan


Waxa ay tusaale usoo qaadatay qaar ka mid ah filimadeeda, sida Omkara, Chameli, Jab We Met iyo Kabhi Khushi Kabhie Gham, oo ay sheegtay in ilaa maanta la xiisaynayo daawashadooda.

Sidaas awgeed, waxay tiri: ‘Muhiimadda ugu wayn waxay ku xiran tahay sida uu jilaagu u xusho filim kasta oo uu ka shaqaynayo.’

Arrin aan horay u dhicin

Tan iyo markii ay atariisho noqotay, Kareena Kapoor waligeed looma dirin imtixaanka qaabka loo jilayo filim.

Waxaa lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay jilayaasha hibada u leh xirfaddan, waxayna kasoo jeeddaa qoys jileyaal ah, halka walaasheed ka wayn ay tahay xiddigta lagu magacaabo Karisma Kapoor.

Laakiin markii ugu horraysay waxay imtixaan culus u gashay filimka ay hadda ku howlan tahay ee ‘Laal Singh Chaddha’ oo la filayo in uu soo baxo 11-ka bishan August.

Jilaaga Bollywood-ka ee Aamir Khan, oo filimkan ku matalaya atooraha hoggaanka ah, ayaa ku khasbay Kareena in ay imtixaan marto, si loo xaqiijiyo in ay kasoo bixi karto doorta atariishada.

Aamir oo horay horay isula soo shaqeeyeen Kareena ayay ujeeddadiisa ahayd in uu hubiyo qof kasta oo soo galaya filimkiisa.

Kareena iyo Aamir ayaa mar kale jilitaan wadajir ah sameeyay kaddib toban sano oo ay kala maqnaayeen.

‘Aamir kama mid aha xiddigaha aaminsan in haddii aan filimka ku jiro ay micnaheedu tahay inaan sameeyo filimka,’ ayay tiri.

Waxay intaas ku artay in Aamir Khan ay ka go’an tahay in uu wax walba oo sax ah u sameeyo si loo xaqiijiyo in filimka Laal Singh Chaddha uu noqdo mid laga daba dhaco.


Kareena Kapoor Khan

Warqado qoraalka sheekada filimka ah oo lagu aqrinayo ilaa afar saacadood ayuu Aamir u dhiibay Kareena, si uu ugu imtixaano.

Waxaa kale oo uu xaqiijinayay in atariishadan ay kasoo bixi karto doorka haweeney da’ dhexaad ah iyo inkale.

Markii ay shuruudahaas oo dhan kasoo gudubtay kaddib ayuu u oggolaaday inay qayb ka noqoto filimka.

Hase yeeshee Kareena waxa ay ka mahad celisay in Aamir uu aad u garab istaagay markii ay uur yeelatay muddadii ay socotay duubista filimka.

Hal qoys oo muddo qarni ah majaraha u haya Bollywood-ka

Kareena waxa ay ka mid tahay xubnaha ugu caansan qoyska reer Kapoor oo kasoo billowday awowgeed, kuwaas oo lagu qaddariyo filimada Bollywood-ka.

Muddo ku dhow hal qarni, magaca Kapoor waxa uu madadaaliyaa malaayiin qof oo ka mid ah dadka daawada filimada Hindiya ee ay sameyso shirkadda Bollywood-ka.

Qoyska Kapoor

Jilayaal magacaas ku abtirsada oo hal qoys kasoo wada jeeda ayaa sanad walba heerka ugu sarreeya uga jira sameynta filimada.

In kastoo xubno badan oo ka mid ah qoyskan ay noqdeen atooreyaal, atariishooyin, filimhageyaal, filim soo saareyaal iyo xitaa farsamayaqaannada dhinaca stuudiyaha, haddana waxaa jira shakhsiyaad gaar ah oo magacyadooda aysan waligood ka hari doonin taariikhda Bollywood-ka.

Qoyskan waxay sheekada jilistooda kasoo billaabaneysaa 1928-kii, markaasoo Prithviraj Kapoor uu kasoo muuqday filimkiisii ugu horreeyay.



Related Posts

Netizens slam Deepika Padukone for her fashion blunder; trolls say, “Make up ki dukaan”

Netizens slam Deepika Padukone for her fashion blunder; trolls say, ‘Make up ki dukaan’ Of late, a lot of Bollywood celebs have become a victim of social…

Ranbir Kapoor Publicly Criticizes Deepika Padukone, Accusing Her of Misrepresenting Him! He Claims She’s Spreading Falsehoods, Labeling Her a ‘LIAR’.

Ranbir Kapoor SLAMMED Deepika Padukone for speaking ill about him publicly, old video goes VIRAL https://youtu.be/SbQqPXK3Cpo Ranbir Kapoor slams Deepika Padukone In an old video that has…

Deepika Padukone Confronts Online Trolling: Ranveer Singh, Priyanka Chopra, and Arjun Kapoor’s Reactions Spark Fan Curiosity…

Ranveer Singh, Priyanka Chopra and Arjun Kapoor support Deepika Padukone! We recently saw Deepika Padukone lashing out at a ‘leading’ daily for putting forth an obscene video…

Deepika Padukone shared about Flofan Khan: ‘I thought he would be strict, non-interacting, and look down on me as a commercial heroine. But he was very different from that.’

Deepika Padukone Thought Irrfan Khan Would Look Down Upon Her During Piku: ‘I Thought He’d Be Stern’ In Shoojit Sircar’s Piku, Deepika Padukone shared screen space with…

Alia Bhatt- Deepika Padukone to Priyanka Chopra-Disha Patani, actresses upscaling corset trend

Corsets had been criticized for being painful and tagged as instruments of torture used to shape a woman’s body in the medieval age. But, the modern-day corsets…

SHOCK: Deepika Padukone’s sharing was full of self-pity after her film was continuously boycotted by the whole country.

Old Video Shared As Deepika Padukone Getting Emotional After Pathaan Film’s Boycott In the video, Deepika got emotional while sharing her story of battling mental illness. It…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *